Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo xiriir ah ay ka kala dhaceen gudaha degmooyinka Qoryooley iyo Marka oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose waxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kasoo gaartay qaraxyadaasi.
Qaraxa kowaad oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago waxaa lagu aasay goob maleeshiyaatka dowlada lacagaha baada ah ay ku qaadaan oo ku taala degmada Qoryooley’iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay gudaha iyo duleedka degmadaasi.
Xilliga qaraxa waxaa goobta ku sugnaay tiro ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada’waxaana la xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen labo askari saddex kalane ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale labo qarax oo loo adeegsaday bambaanada nooca gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray ciidamada Kufaarta AMISOM iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo ku lugeynayay qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada hoose.
Goobjoogayaal goobta qaraxyada ka agdhawaa oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay iney arkeen saddex askari oo maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo ku dhaawacmay qaraxyada bambaana ee ka dhacay gudaha magaaladaasi.
Calamada.com