Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanisan ayaa ka hortagay duullaan ay Ciidamo Mareykan ah kusoo qaadeen degmada Or-tablaaq ee gobolka Qunduuz ee Waqooyiga Wadanka Afghanisan.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Imaarada, Ciidamada Mujaahidiinta oo helay Macluumaad ku aadan duullaanka ay qorsheynayaan Ciidamada Mareykanka iyo  Maleeshiyaadka Murtaddiinta ayaa galabnimadii Maalinkii Talaadada ee aan soo dhaafnay waxay waddada u galeen kolonyo gawaari ah oo Cadowgu ay la socdeen, kuwaas oo kusoo wajahnaa  degmada Or-tablaaq ee Gobolka Qunduuz ee ay ka taliso Imaarada islaamiga ah, waxaana halkaas ka billowday dagaal culus oo soconayay dhowr Saacadood oo xiriir ah, kaasi oo soo gaaray illaa barqadnimadii maalintii Arbacadii ee shalay.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa Allah fadligiisa waxay ku guuleysteen inay dib u caabiyaan Ciidamada Saliibiyyiinta Mareykanka ee weerarka soo qaaday, waxaana sida ay Imaaradu sheegtay dagaalkaas lagu dilay 15 Askari oo Mareykan ah, halka sidoo kalena ay Mujaahidiintu bur-buriyeen Seddax gaari oo nooca dagaalka ah.
Maleeshiyaadka daba dhilifyada ee Xukuumadda Kaabuul ayaa dhankooda waxay weerarkaas ka kala kulmeen khasaare lixaad leh, inkastoo aysan Mujaahidiintu faah faahin rasmi ah ka bixin khasaaraha dhimasho ee soo gaaray Maleeshiyaadkaasi.
Khasaaraha culus ee Gobolka Qunduuz kasoo gaaray Saliibiyyiinta Mareykanka ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu xumaa ee bilihii dambe ay ka kulmaan Dalka Afghanistan, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo dhowaan Hogaamiyaha Mareykanka Gaal Barack Obama uu qalinka ku duugay in la ballaariyo duullaanka ay Ciidankiisku ku joogaan Dalka Afghanistan, waxaana uu ogolaaday in Ciidamada Ameerikaanka ah ay Maleeshiyada daba dhilifyada ah u raaci karaan furimaha hore ee dagaalka, sidoo kalena diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay geysan karaan duqeymo xagga cirka ah oo ay ku taageerayaan Maleeshiyaadkaasi.