Ciidamada Mujaahidiinta Jabhadda WI Jubooyinka ayaa goordhow kamiin u dhigay kolonyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Kenya xilli ay ku socdaalayeen wadada u dhexeysa degmada Dhoobley iyo deegaanka Taabto sida ay noo sheegeen Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta.
Weerarkan oo ah mid aad u xoogan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan ciidamada kufaarta Kenya oo ka timid dhanka gudaha Kenya kuna wajahneed deegaanka Taabto halkaas oo saldhig military oo weyn ay ku leeyihiin ciidamada Kenya.
Saraakiil ka tirsan Jabhadda WI Jubooyinka oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in kolonyada la beegsaday ay galbinayeen zaad ku soo wajahnaa deegaanka Taabto uu la damacsanaa in la gaarsiiyo ciidamada Kenya ee saldhigyada Ku leh deegaankaas iyo meelaha ku dhow dhow.
Hal gaari oo kuwa xamuulka ah ayaa la xaqiijiyey in lagu gubay dagaalka, kaas oo lala helay Qoriga RPG-ga.
Ciidamada mujaahidiinta iyo Kufaarta Kenya ayaa ku dagaalamay halkii uu weerarku ka dhacay, waxaana la soo sheegayaa in dagaalku uu weli socda, islamarkaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com