Labo ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Dalka Turkiga ayaa geeriyooday, Sideed kalena way dhaawacmeen kadib qarax lala beegsaday gaari Bas ah oo ay leeyihiin Ciidamada, kaas oo marayay Mandiqadda Baayaziid ee bartamaha magaalada Istanbuul.
Warbaahinta Dalka Turkiga ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo la dhigay meel ku dhow Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliiska, iyadoona gaarigu uu qarxay xilli uu goobtaas marayay baabuurka baska ah ee Ciidamadu ay saarnaayeen.
Sawirro laga soo qaaday goobta ay qaraxydu ka dhaceen oo lasoo dhigay baraha bulshadu ku sheekeysto ee Internet-ka ayaa waxay muujinayeen Xajmigu uu la egyahay bur burka uu sababay qaraxa lala beegsaday gaariga Baska ah, iyadoona qaraxu uu gebi ahaanba uu bur buriyay Baska, sidoo kalena waxa uu sababay bur bur xooggan oo soo gaaray dhismayaaha iyo goobaha ku dhow dhow goobtaasi, halkaas oo sidoo kale ay ku yaallaan goobo Taariikhi ah.
Maamulka Dowladda hoose ee magaalada Istanbul ayaa dhankooda waxay sheegeen in qaraxa kadib ay joojiyeen Tareenadii dhulka hoostooda mari jiray iyo gaadiidkii dadweynaha, iyadoo laga cabsi qabay inay dhacaan qaraxyo kale, hase yeeshee goor dambe ayaa dib loo furay.
Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay magaalada Istanbul ee Caasimadda labaad ee Dalka Turkiga, balse kooxda Kurdiga ah ee loo yaqaano PKK ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxay sheegteegeen weerarro badan oo sababay dhimashada boqollaal ruux oo ka dhacay magaalooyin kuyaalla Dalka Turkiga.