Faahfaahino Laga Helayo Weerar Askar Lagu Dilay Oo Sh/hoose Ka Dhacay.

maleeshiyaatka Ridada8748Waxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kasoo gaartay dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen deegaanka Numbar50 ee gobalka Shabeelada hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu dilay 5 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka tiro kalane lagu dhaawacay dagaalkaasi.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Numbar50 ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Dagaalkan waxa uu imaanayaa xilli ku dhawaad 10 askari dowlada federaalka looga dilay weeraro qorsheysan iyo qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka kala fuliyeen gudaha degmada Buurhakabo iyo magaalada Muqdisho.

Calamada.com

Comments are closed.