Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo xalay ka dhacay magaalada Munich oo ah caasimadda labaad ee wadanka Jarmalka qaaradda Yurub.
Saraakiisha booliska xukuumadda Nasaarada Jarmalka ayaa sheegay in 9 qof oo uu kamid yahay ruuxii weerarka geystay ay ku dhinteen weerarka oo ka dhacay xarunta Olympic-kada magaalada Munich.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in ruux hubeysan uu toogasho kula degdegay dad shacab ah oo xilligaasi ku sugnaa xarunta Olympic-kada.
Taliyaha booliska wadanka Jarmalka ayaa warbaahinta u sheegay in ay baxsadeen sedax ruux oo loo malaynayo in weerarka ay wax ka abaabuleen balse ay xaqiijin karaan in ruuxii toogashada gaystay oo kasoo jeedo wadanka Iiraan goobta lagu dilay.
Maamulayaasha Jarmalka waxay sheegeen in ay baaritaano ku sameyn doonaan xarumo muslimiintu leeyihiin haddii ay cadaato in ruuxa weerarka geystay uu ahaa Muslim sunni ah.
Xinjiro dhiig ah oo laga daadiyay dadka Jarmalka ayaa dhax qulqulayay suuqa laga dukaamaysto ee Olympic, lataliyaha R/wasaaraha Jarmalka ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan xaqiijin Karin in weerarkani uu yahay mid ‘argagaxiso’ oo loola jeedo in ruux muslim ah fuliyay iyo inkale.
Warar ay baahiyeen saraakiisha xukuumadda ayaa sheegayay in ruuxa toogashada gaystay uu ka sheeganayay cudurro dhanka maskaxda ah balse warkaasi ayaan illaa iyo hadda aheyn mid sugan.
Weerarkan lagu dilay dadka Jarmalka ah wuxuu imaanayaa 10 maalmood kadib markii weerar lagu dilay 84 qofood Faransiis ah uu ka dhacay magaalada NICE ee Faransiiska waxaana muuqata in wadamada nasaarada qaaradda Yurub ay ka sheeganayaan weerarada kalii guulnimo oo ay fuliyaan dhalinyarada muslimiinta ah