Faahfaahino Laga Helayo Weerar Khasaara Lagu Gaarsiiyay American Iyo Kenyaati.

dagaal kamiinIyadoo galinkii dambe ee shalay weerar dhabba gal ah iyo qarax lala beegsaday kolanyo isugu jirta Nasaarada Mareykanka iyo kuwa Kenya oo isaga cararay degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kolanyada gaalada cadaan iyo kuwa madow ee ka qaraxay degmada Badhaadhe laga gubay hal gaari oo ka mid ahaa 12 gaari dagaal ee ay wateen kadib markii qarax miino lala helay.

Sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac kaga noqday tiro askar isugu jirta Kenyaati iyo American kuwaasi ay la galeen gudaha dhulka Kenya xooga kaga heysata Somaliya.

Calamada.com

Comments are closed.