Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Faahfaahin Soomaalida Lagu Xasuuqay Dalka Yemen Oo Sii Korortay.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahin Soomaalida Lagu Xasuuqay Dalka Yemen Oo Sii Korortay.

March 18, 2017

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq daran oo diyaaradaha isbahaysiga Carabta ee Yemen ku duulay ay ugeysteen dad Soomaali qaxooti ah.

Saraakiisha caafimaadka Magaalada Alxudeydah ee wadanka Yemen ayaa sheegay in dhimashada dadka Soomaalida ee lagu duqeeyay doontii ay la socdeen ay gaartay 42 qof oo u badan haween iyo carruur.

Mas’uul u hadlay guddiga caafimaadka Alxudeydah ayaa warbaahinta u sheegay in tobanaan dhaawacyo ah oo ay qaabileen qaarkood ay dhinteen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in meydadka 42 qof oo ubadan haween iyo carruur lagu aruuriyay xarunta laanqeyrta Cas ee magaalada Alxudeyda.

 
Sida uu sheegay naaquudaha doonta la duqeeyay oo lagu magacaabo Ibraahim Cali Ziyaad waxaa shilka ka badbaaday 80 qof Soomaali ah.

Naaquudaha oo lahadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in gantaallada lagu garaacay doonta ay soo ridday diyaradaha nuuca Apache oo loo malaynayo in ay leedahay dowladda Sacuudiga.

Hay’adda Q.Midoobe uqaabilsan qaxootiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dadka la xasuuqay ay wateen warqado aqoonsi ayna kusii jeedeen dhanka wadanka Suudaan.

Sawirro lagasoo qaaday goobta xasuuqu ka dhacay waxaa kasoo muuqanayay meydadka dad Soomaali ah oo daadsan xeebta banaankeeda iyo kuwa kale oo iyagoo dhaawacyo ah loo daad gureynayo goobaha caafimaadka.

Magaalada Xudeydah ee Xasuuqu ka dhacay waxaa gacanta ku haaya Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta oo dagaal ba’an kala dhaxeeyo dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

Duqeymo ay gudaha wadanka Yemen ka geysteen diyaaradaha isbahaysiga Carabta ayay ku laayeen kumanaan shacab ah iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka Xuuthiyiinta.

Continue Reading

Previous: Sawiro Weerar Sarkaal Sare Lagu Dilay Oo Kampala Ka Dhacay.
Next: Ciidamada Dowlada Federaalka Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Hiiraan.

Related Stories

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.

November 22, 2022
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri

November 22, 2022
Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.