Farxaan Nuur Raage Oo Weerar Qorsheysan Lagu Dilay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan oo lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan dowlada federaalka ka fuliyeen duleedka degmada dayniile ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo isugu jira qarax iyo kamiin ayaa ka dhacay agagaarka beerta cali mahdi ee duleedka xamar, Waxaa weerarkan lala beegsaday kolanyo maleeshiyaatka dowlada ridada ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkaas lagu dilay (12)Labo iyo toban askari murtadiin ah oo uu ku jira taliyihii nabadsugida degmada dayniile Farxaan Nuur Raage  oo ku magac dheeraa cabdi yare.

Sidoo kale waxaa weerarkaas lagu dhaawacay (13)Saddex iyo toban murtad uu ku jira sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay saalax.

Sidoo kale waxaa kamiinka iyo qaraxa ka dhacay duleedka muqdisho lagu gubay gaari cabdi bile ah kaasi oo maleeshiyaatka ridada goobta kaga carareen, Waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigeen qori iyo boosh.

Maalmo ka hor ayey aheed markii isku day dil uu ka badbaaday murtad jacfar oo ah gudoomiyaha dowlada federaalka ee degmada dayniile kadib markii kolanyo uu isaga la socday kamiin loogu dhigay duleedka degmadaas.

Calamada.com

Comments are closed.