Mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Kufaarta Afrikaanta waxa uu saacadihii lasoo dhaafay qof shacab ah ku jiiray agagaarka isgoyska KM4 ee degmada Hodan.
Qofka shacabka ah ee gaadiidka shisheeyaha ay jiireen ayaa ah oday waayeel ah kaasi oo gaadiidka Kufaarta ay ka jiireen lugaha taasi oo sababtay in odayga uu ka burbura lugaha gaar ahaan qeybaha hoose.
Gaadiidka shisheeyaha ayaa isku dayay iney goobta kaga dhaqaaqaan odayga waayeelka ah ee ay jiireen balse waxaa arintaasi si aad ah kaga soo horjeestay dadkii shacabka ee goobta ka agdhawaa kuwaasi oo isku gidaamay gaarigii odayga jiiray islamarkaana ku qasbay inuu goobta ka qaado odayga dhaawaca ah.
Ugu dambeyntii gaarigii AMISOM ee odayga jiiray ayaa ku qasbanaaday inuu goobta ka qaaday odayga dhaawaca ah’waxeyna gaadiidka Kufaarta Afrikaanta odayga waayeelka ah geeyeen isbitaalka oo waqti xaadirkan lagu dabiibayo.
Ma ahan markii ugu horeysay oo gaadiidka shisheeyaha Afrikaanta si bareer ah magaalada Muqdisho ugu jiiraan dad shacab ah balse arinta maanta sida aadka ah loogu farxay ayaa ah in shacabkii ka agdhawaa goobta ay u diideen ciidamada Kufaarta in goobta kaga dhaqaaqaan dhaawaca odayga ay ku jiireen agagaarka isgoyska KM4.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.