Gaari Beebo Ah Oo Kenya Looga Gubay Gobalka Gedo.

Qarax miino4545Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Kenya qarax lagula beegsaday duleedka degmadaasi.

Kolanyada qaraxa lala beegsaday oo kasoo baxay degmada Ceelwaaq ayaa sahay u badan raashiin u waday ciidamada Nasaarada Kenya ee ku go’doonsan deegaanka Busaar ee gobalka Gedo.

Goob-joogayaal goobta qaraxa ka agdhawaa oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in miinada ay la kacday oo ay burburisay gaari Beebo ah.

Sidoo kale wararka laga helayo qaraxa ayaa sheegaya in 12 askari Kenyaati ah oo gaariga Beebaha la socday iyaguna goobta ay ku baqtiyeen.

Nasaarada Kenya ayaa muddo ku hakaday goobta qaraxa lagula beegsaday oo ah wadada isku xirta degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Busaar oo ka wada tirsan gobalka Gedo.

Calamada.com

Comments are closed.