Gaari Beebo Ah Oo Lagu Gubay Duleedka Kismaayo.

Qarax miino4545Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta xilli ay ku socdaalayeen wadada Laamiga ah ee isku xirta Kismaayo iyo Buula-Gaduud.

Ilo wareedyo dhanka mujaahidiinta ah ayaa noo xaqiijiyey in qaraxa lagu burburiyey gaari Beebe ah oo ay wateen ciidamada kufaarta Afrikaanta.

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan gaalada ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay qaraxa, tiro kalena lagu dhaawacay.

Ciidamada gaalada ee la beegsaday ayaa in muddo ah ku hakaday goobta uu qaraxu ka dhacay kuwaas oo goobta ka daadgureeyey meydadka iyo dhaawacyada Kufaarta.

Ilaa hadda lama oga ujeedka ciidamadii maanta lagu beegsaday duleedka Kismaayo balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay ku soo jeedeen deegaanka Buula-gaduud si ay halkaas kaga geystaan falal arbushaaad ah oo ay ku qalqal gelinayaan amaanka deegaanka.

Comments are closed.