Gaari Booyad Ah Oo Ciidamada Burundi Looga Gubay Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in sacadihii lasoo dhaafay qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Burundi oo qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday kolanyo Burundeys ah oo Biyo ka dhaansanayay ceelka degmada Mahadaay.

Miinada ayaa haleeshay oo burburisay gaari Booyad ah oo shisheeyaha Biyo ay ku dhaansanayeen waxaa sidoo kale qaraxaasi baqti iyo dhaawac ku noqday tiro askar Burundeys ah.

Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqaly xaafadaha kala duwan ee degmada Mahadaay iyo deegaanada hoostaga’mas’uuliyadda qaraxaasi waxaa sheegtay Shabaabul Mujaahidiin.

Calamada.com

Comments are closed.