Gaari Cabdi Bile Ah Oo Dowlada Federaalka Looga Gubay Gobalka Shabeelada Hoose.

ridada maleeshiyaatkoodaWararka ka imaanaya degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in qarax culus duleedka degmadaasi lagula beegsaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago waxey la kacday gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowladda’iyadoona miinada gabi ahaan ay burburisay gaariga Cabdi Bilaha.

Sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday maleeshiyaatkii dowlada ridada federaalka ee la socday gaariga miinada ay ku burburisay duleedka degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeelada hoose.

Gaariga Cabdi Bilaha ee miinada ay burburisay ayaa kasoo baxay garoonka diyaaradaha Bilidoogle waxaana uu ku sii jeeday deegaanka Warmaxan oo xilligaasi uu ka socday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka’iyadoona ugu dambeyntii ciidamada Mujaahidiinta si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Warmaxan.

Calamada.com

Comments are closed.