Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan Ciidamada Nasaarada Kenya qarax culus lagula beegsaday qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Kolanyada qaraxa lala beegsaday ayaa kasoo baxay degmada Dhoobley’iyagoona sahay u waday ciidamada Nasaarada Kenya ee ku sugan deegaanka Qooqaani ee gobalka Jubbada hoose.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanada Taabto iyo Qooqaani oo ka wada tirsan Jubbada hoose’iyadoona miinada ay burburisay gaari Faarow ah kaasi oo goobta ku burburay.
Sidoo kale qaraxa waxaa baqti iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsan Nasaarada Kenya’qaraxa waxaa barbar socday weerar dhabba gal ah wadadaasi loogu dhigay kolanyada Nasaarada Kenya.
Qaraxa iyo kamiinka ayaa kusoo aadaya xilli inka badan 6 askari oo Kenyaati ah lagu dilay howlgal gaar ah oo labo maalin ka hor ciidamada Xaradakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Jaziirada Lamu ee dalka Kenya.
Calamada.com