Gaari Taw Ah Oo Shabeelada Hoose Lagu Gubay.

taw gubtayQarax culus oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Marka iyo Afgooye oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Ceelwareegow oo ka tirsan Shabeelada hoose’iyadoona kolanyada qaraxa lala beegsaday ay kasoo baxeen deegaanka Shalambood ee duleedka magaalada Marka kuwaasi oo ku sii jeeday dhanka magaalada Muqdisho.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxa lagu burburiyay gaari Taw ah’waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo shisheeyaha ka tirsan.

Kolanyada qaraxa lala beegsaday ayaa ku hakaday goobta lagu qarxiyay oo ah agagaarka deegaanka Ceelwareegow’waxa uu dagaalkan imaanayaa xilli habeenkii xalay dagaal lagu dilay tiro askar ah oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka uu ka dhacay degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.

Calamada.com

Comments are closed.