Gaari Taw Ah Oo Shabeelada Hoose Lagu Gubay.

taw gubtayWararka laga helayo gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi qarax culus lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaqbariweyne oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in miinada ay burburisay gaari Taw ah’waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar shisheeyaha ka tirsan.

Maalmo ka hor ayeey aheed markii askarta shisheeyaha gaari Taw ah looga gubay qarax lagula beegsaday deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho.

Calamada.com

1 Comment
  1. abufatima says

    Amisom ikhyaar kuma maraan idilba soomaali
    Aroortiyo alayl kay kufrigu ooyayaan badiye
    Albaabadi cadaabeed ayey alam yiraah deene
    Isir xumida gaaladu lahayd ama astaan liita
    Uhuuraad arkay seen daraad oohintuu wadaye
    Sida arami naagood kufrigu ilintay say reene
    Aydiyo jiqdaa lagu dilaa ehelu naar kiiye
    Alaylehe islaam kii adkaa Eebe mahadiise
    Erye oo kufrigi ciidanada kuma amaan heline
    Orkaan jiibinaa iyo farxado idil ahaan teene
    Munaafaquna waa ooyayaa idil ahaan tiise
    Asal bay kufriga ula jireen ehelu naar kiiye
    Aytaan siday wada yihiin waw il galac layne
    Ilaah guusha naga sii kufriyo ari qal koodiiye
    Eebow adaa mahadsanoo sharaf idayl keed leh
    Alxamdulilah weeyaan waxaan oran karay naaye
    Allaah wayne mahadaa kufrigi oofahaa maqane

Comments are closed.