Gaari Taw Ah Oo Shisheeyaha Laga Gubay.

taw gubtayWararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Burundi.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Ceelbaraf iyo Miir-taqwa gaar ahaan tuulada Hal-baraako’waxaa qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog lafa hago.

Miinada ayaa la xaqiijiyay iney haleeshay oo ay burburisay gaari Taw ah’sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro aska Burundeys ah.

Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa kasoo baxay deegaanka Ceel-baraf waxeyna gurmad u ahaayeen kolanyo kale oo shalay gaari Beebo ah qarax looga gubay kuwaasi oo ku go’doomay deegaanka Miir-taqwa ee isla duleedka degmada Mahadaay.

Calamada.com

Comments are closed.