Gaase Dheere Oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa ka dhacay dil qorsheysan kaasi oo laga helayo faahfaahin dheeraad ah.

Dilkan waxey rag hubeysan u geysteen sarkaal ka tirsan dowlada hoose ee maamulka gaala raaca Puntland kaasi oo ay ka toogteen qeybaha sare jirka waxeyna taasi sababtay in sarkaalka isla goobta ku dhinta.

Sarkaalkan lagu dilay magaalada Boosaaso ayaa lagu magacaabi jiray Gaase Dheere,mas’uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay qarax ku dileen taliyihii qeybta Miina Baarista Puntland qaraxaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Galgala ee duleedka Boosaaso.

Calamada.com

Comments are closed.