Guddoomiye Jacfar Oo Ka Badbaaday isku Day Dil Iyo Ilaaladiisii Oo Ku Le’day.

Warar dheeraad ah waxay kasoo baxayaan weerar jidgal ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan dhaca duleedka degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu weeraray kolonyo uu la socday mid ka mid ah gudoomiyeyaasha maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda federaalka ah.

Howlgalkan kammiinka ah waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaabo Saqiiro oo hoos taga degmada Deyniile ee magaalada caasimadda Muqdisho waxaana weerarkaasi lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbinaysay guddoomiyaha maamulka Banaadir ugu magacaaban degmada ninka lagu magacaabo Maxamed Abuukar jacfar.

Ilo wareedyo muhiim ah waxay xaqiijiyeen in ujeedka weerarka uu ahaa in lagu dilo guddoomiyaha balse uu si dirqi ah kaga badbaaday waxaana weerarkaas ku le’day ku dhowaad 15 askari oo ka mid ahaa ilaalada guddoomiyaha weerarka lagu qaaday.

Idaacadda islaamiga ee Al-andalus waxay baahisay in weerarkan lagu dilay 6 askari oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ee murtad Maxamed Abuukar Jacfar guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban degmada Dayniile iyo dhaawaca 8 kale oo iyana ka mid ahaa ilaalada gudoomiye Jacfar waxaa sidoo kale weerarkaas burbur xooggan lagu gaarsiiyay gaarigii uu sida gaarka ah u lahaa guddoomiye Jacfar.

Weerarkan uu sida dirqiga ah kaga badbaaday guddoomiyaha maamulka degmada Dayniile ugu magacaban dowladda federaalka waxa uu kusoo beegmayaa xilli uu faraha ka baxay amniga caasimadda maalmihii ugu dambeeyay waxay magaala madaxda dalka marti galinaysay weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ah kuwaas oo lala beegsanayay masuuliyiin iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Farmaajo.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.