Saacadihii lasoo dhaafay waxa uu qarax culus ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose’iyadoona qaraxa lala beegsaday kolanyo uu la socday gudoomiyaha dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban deegaanka Leego.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaqbariweyne oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose’iyadoona qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaawac culus kasoo gaaray gudoomiyaha dowlada Ridada federaalka ee deegaanka Leego’waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.
Dhaawaca sarkaalkan ayaa kusoo aadaya xilli habeenkii xalay gudaha degmada Dharkenley lagu dilay sarkaal ciidan oo ka tirsanaay dowlada Ridada federaalka.
Calamada.com