Gudoomiyihii Hore Degmada Qoryooley Oo Qarax Lagu Dilay.

Warararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax maanta barqadii ka dhacay gudaha degmada Baraawe lagu dilay  Cali Buraale oo ahaa guddoomiyaha degmada Qoryooley balse hadda  madax ka ahaa mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in walxaha qaraxa oo  lagu dhax xiray gaariga guddoomiyaha uu sababay dhimashada, wararka ayaa intaas ku daraya in mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa guddoomiyaha uu isna ku dhintay qaraxa.

Murtad Cali Buraale guddoomiyihii hore ee degmada Qoryooleey ayaa sanadadii dambe ka mid ahaa mas’uuliyiinta sida aadka ah ugu dhow dhow Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku magacaaban madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed

Comments are closed.