Gurmadka Fatahaadda Oo Halkiisa Ka Sii Socda Iyo Tuulooyin Hor Leh Oo La Gaaray.

Gudida gurmadka ee fatahaadda wabiga Jubba iyo jimciyadda Ixsaan alkheyriyah ayaa markale deeq isugu jirta daawo, raashin, maro kaneeco iyo dhar gaarsiiyay tuulooyin hoos taga degmada Bu.aale ee wilaayada jubbooyinka kadib safar dheer oo tuulaankaasi lagu gaaray.

Safarkan oo qaatay muddo sideed bari ah ayaa lagu tagay 6 tuulo oo mid kasta laga sameeyay baaritaan caafimad daawayn iyo raashin qaybin intaba, tuulooyinkaas Waxay kala ahayeen. Buulo-Iidow. Kaakoreey. Zoomba. Qoryaale. Boohx. Iyo Markabka.

Idaacada islaamiga Andalus oo qayb ka ahayd guddiga ayaa gudaha u gashay tuulooyinkaas, waxayna wareysiyo la yeelatay dadkii ku cayrtoobay roobabkii iyo fatahaadi is watay ee sanadkan ka da’ay Jubbooyinka.

Dhageyso codadka dadwaynaha:

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada.


 

Comments are closed.