Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Hogaamiyaasha Ingiriiska Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay La Dagaalanka Shabaabul Mujaahidiin.
  • Allposts
  • Warar

Hogaamiyaasha Ingiriiska Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay La Dagaalanka Shabaabul Mujaahidiin.

August 31, 2018

Ra’isul wazaaraha dowladda Ingiriiska haweeneyda lagu magacaabo Teriisa May ayaa shalay oo khamiis aheyd booqasho ku tagtay dalka Kenya taas oo lagu tilmaamay midi ugu horreysay ee hogaamiye Ingiriis ah uu ku tago dalkaas muddo hadda laga joogo 30 sano.

Booqashadan ayaa imaaneysa iyadoo dowladda Ingiriiska ay waayadii dambe baadigoob xoogan ugu jirtay sidii ay xoojin lahayd xiriirada ganacsi iyo midka dhaqaale ee ay la leedahay Africa ka hor inta aysan ka bixin ururka midowga Yurub bisha March ee soo socota.

May ayaa la kulantay madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta intii ay ku gudajirtay lugtii ugu dambeysay ee booqasho ay ku mareysay saddex wadan oo ku yaalla Africa kuwaas oo kala ah Kenya, Koonfur Africa, iyo Nigeria oo ah dalal lagu tilmaamo kuwa ugu sarreeya xagga dhaqaalaha marka laga hadlayo qaaradda Africa.

 

Waxa socdaalkeeda ku wehlinayey wafuud ganacsi oo ballaaran oo ka soo jeeda dalka Ingiriiska iyo saraakiil ka tirsan xukuumadeeda. “Waxaan rabaa inaan idiin sheego in xiriirka Ingiriiska ee Kenya iyo Africa uu ka ballaaran yahay wax ku saabsan maalgashi gaar ah” ayey tiri Teriisa Maya xilli ay wariyeyaasha uga warameysay kulanka dhexmaray iyada iyo madaxweynaha dowladda kaafirada Kenya.

Ingiriiska waa wadanka shisheeye ee maalgashiga ugu badan ku sameeya dalka Kenya, Ma jirin hogaamiye Ingiriis ah oo soo booqday dalka Kenya tan iyo sideetameeyadii, halka sidoo kalena ay booqashadan noqoneyso midi ugu horeysay ee ra’isul wazaare ingiriis ah uu ku yimaado qaaradda Africa muddo shan sanadood ah.

Dalka Kenya oo ah wadan uu horay u soo gumeysan jiray Ingiriis ah, gaashaan buursi ganacsi iyo mid amnina kala dhexeeyo Britain ayaa sanadihii ugu dambeeyey la daala dhacayey nabarrada kasoo gaaray dagaalka daba dheeraaday ee uu kaga jiro Soomaaliya, Waxaana booqashada Terisa May ee Kenya ay timid iyadoo maalin ka hor xad-beenaadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya lagu dilay ugu yaraan 20 askari oo Kenyaati ah ka dib markii Al Shabaab ay weerar kamiin ah ka fuliyeen gobolka Lamu.

Labada hogaamiye waxay isla soo hadal qaadeen xaaladda amaan ee wadanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagga weerarada Al Shabaab gaar ahaan duullaanada xuduud taraarka ah ee ay Mujaahidiintu ka fulinayaan gobolada Lamu iyo N.F.D.

Ciidamada Ingiriiska ayaa saldhigyo dhowr ah ku leh wadanka Kenya muddo sanado ah, waxayna tababaro kala duwan siiyaan ciidamada military-ga Kenya ee loo soo daabulo Soomaaliya, iyo saraakiisha ciidan ee waxa loogu yeero isbaheysiga AMISOM.

Cutubyo ka mid ah tababarayaasha Ingiriiska ayaa hadda ku sugan saldhig ciidan oo ku yaalla Isiyeeloow halkaas oo ciidamada Kenya ku siiyaan tababaro ku saabsan sida looga gaashaanto qaraxyada miinooyinka ee Mujaahidiinta.

Xukuumada Ingiriiska waxay sheegtay in ujeedka booqashada Teriisa May ee Kenya uu ahaa in ay 9.1 milyan oo doolar ku maageliso ciidamada Kuffaarta Afrikaanta, 25 milyan oo dollar oo kalena ay ku wareejiso xukuumada taagta daran ee ka jirta magaalada Muqdisho taas muddo sanado ah harjad xoogan ugu jirta sidii ay ku qabsan lahayd deegaanada ka baxsan caasimadda iyo magaallo madaxeedyo kooban.

Hogaamiyaha dowladda Kenya oo weli aanan ka hadlin waxa ay isaguna u yaboohday haweeneydan ayaa mar uu la hadlay warbaahinta jeediyey hadalo beerlaxowsi ah, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu la daala dhacayo dagaal uu kula jiro waxa uu ku sheegay cadow wadajir ah oo halis ku ah dowladiisa iyo dowladda Ingiriiska.

Continue Reading

Previous: Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye.
Next: Akhriso Faahfaahin Laga Helayo Dagaalkii Degmada Afgooye.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -30-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -30-4-1444-Hijri

November 24, 2022
Akhriso Magacyada Saraakiil Iyo Askar Ku Le’day Dagaalkii Hiiraan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Magacyada Saraakiil Iyo Askar Ku Le’day Dagaalkii Hiiraan.

November 24, 2022
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-4-1444-Hijri

November 23, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.