Ibraahim Cali Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka fuliyeen dil qorsheysan kaasi oo ay kasoo baxeyso faahfaahin dheeraad ah.

Ibraahim Cali Xasan oo ka mid ahaa ergadii soo xushey xillibaanada ka yimid maamulka gaala raaca Koonfur-galbeed ayey ragga hubeysan ku toogteen degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho.

Raga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga baxsaday, waxaana dilkan uu kudaba feyalaa dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho loogu geysto saraakiisha, xubnaha dowladda iyo Odoyaasha soo xulay baarlamaanka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabtay iney meel weliba ku beegsan doonto odoyaasha ka qeyb qaatay soo xulista Baarlamaanka dowladda federaalka.

Comments are closed.