Idaacadda Al-andalus oo Barnaamij Cusub Kusoo Kordhisay Idaacadda (Dhageyso)

booqashadaOgeysiis dhawaan ka baxay idaacadda Al-andalus ayaa lagu sheegay in idaacadda lagu soo kordhiyay barnaamij loogu magac daray Booqashada Al-andalus, barnaamijkaasi oo ah mid todobaad leh habeen kasta oo sabti ah saddex saac oo fiidnimo ka bixi doona idaacadda.

Barnaamijkan sida idaacaddu sheegtay waxa lagu baahin doonaa booqashooyin joogto ah oo idaacaddu ku tagayso meelo kala duwan, sida furimaha dagaalka, goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan howlaha culculus ee ka socda wilaayaadka Islaamiga.

Barnaamijkii ugu horreeyay ee booqashada Al-andalus oo xalay ka baxay idaacadana waxa lagu booqday magaalada Xarar dheere ee wilaayada Mudug, halkaasi oo wariyayaasha Al-andalus ay kasoo diyaariyeen warbixintan.

Halkan Ka Dhageyso Barnaamijka Booqashada Al-andalus Qaybtii 1aad.

 

 

Comments are closed.