Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo Bayaan Adag Kasoo Saartay Xaalada Xalab.

xalab-gubashoBayaan rasmi ah oo kasoo baxay hogaanka guud ee Imaarada Islaamiga Afghanistan waxey si kulul uga hadleen xaalada adag ee ka jirta magaalada Labaad ugu weyn dalka Suuriya ee Xalab.

Bayaanka ayaa lagu tilmaamay in Xalab waxa ka socda ay tahay xasuuq ka dhan ah dadka Muslimiinta’Qadiyada Xalabna ay tahay mid u taala guud ahaan dadka Muslimiinta ee caalamka ku dhaqan.

Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa ugu baaqday Muslimiinta caalamka oo ay ugu horeeyaan Culimada iney ka dhiidhiyaan dhibaatada ka jirta Xalab iyo in gurmad walbo oo loo sameynkaro Muslimiinta Xalab lagu dhaqaaqo.

Magaalada Xalab waxaa ka socda xasuuq ka dhan ah dadka Muslimiinta xasuuqaasi oo si wada jir ah u geysanayaan diyaaradaha Nuseyriga Bashaar kuwa Ruush-ka iyo ciidamo Shiico ah oo ka kala yimid Ciraaq’Iiraan’Lubnaan iyo qeybo ka mid ah dalka Suuriya.

Halkan Ka Akhriso Bayaanka Imaarada.

Calamada.com

Comments are closed.