Wararka naga soo gaaraya WI Galgaduud ayaa sheegaya in xalay ciidanka Mujaahidiinta ay weerar xoogan ku qaadeen fariisin ay leeyihiin maleeshiyaadka oo duleedka ka ah degmada Galcad.
Dagaal culus ayaa halkaas ka dhacay oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,saraakiisha Mujaahidiinta ee hoggaamineysay dagaalka waxay noo sheegeen inay la wareegeen si toos xerada ayna laayeen tiro maleeshiyaad ahaa.
Wararka rasmiga ah ee la helayo ayaa xaqiijinaya in 17 askari lagu dilay dagaalkii xalay ayna jiraan tiro dhaawacyo ah oo maleeshiyaadka ay kala baxsadeen xeradii la qabsaday.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com