Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 20 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Maali.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 20 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Maali.

June 22, 2017

Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Jamaacada “U hiilinta Islaamka iyo Muslimiinta” ee Dalka Maali ee hoostaga Ururka Al-Qaacidda ee Bilaadul Maghrib Al-islaami ayaa waxay ku faah faahiyeen weerar ay maalmo ka hor ku qaadeen mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Dowladda Maali ay ku leeyihiin galbeedka magaalada Tembaktu.

Weerarka waxa uu dhacay 22-kii bishan Ramadaan oo ku beegneyd 17-kii Juun, iyadoona Bayaanka lagu sheegay in Mujaahidiintu ay beegsadeen Saldhig Ciidan oo kuyaalla deegaanka “Biitaango” oo qiyaastii 80 Km galbeedka kaga beegan magaalada Tembaktu ee dalka Maali.

Dagaal muddo socday kadib ayaa Mujaahidiinta waxaa Allah fadligiisa u suura gashay inay la wareegeen gacan ku heynta Saldhigga, kadib markii ay halkaas ka firxadeen Askartii ku sugneyd, waxaana Mujaahidiintu ay dileen ku dhawaad 20 Askari, iyagoona soo ghaniimeystay gaari dagaal, islamarkaana gubay 7 kale, sidoo kale Mujaahidiintu hub iyo saanado kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaafiicda loo yaqaano BM-ka iyo kuwa lidka diyaaradaha.

Sida Bayaanka lagu sheegay, Mujaahidiinta ayaa inta aysan goobta kasoo bixin waxay dab qabadsiiyeen guud ahaan Saldhigga, iyadoo howl-galkaas uu ku shahiiday mid ka mid ah Ciidamada Mujaahidiinta, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Jamaacada ” U hiilinta islaamka iyo Muslimiinta” ee Dalka Maali waxaa sidoo kale lagu sheegay in howl-galkani uu kusoo beegmayo iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu weerarro kala duwan ka fuliyeen qaar ka tirsan deegaannada hoos yimaada magaalada Tembaktu, waxaana mid ka mid ah weerarradaas oo qaraxyo loo adeegsaday lagu bur buriyay laba gaari oo ay lahaayeen Ciidamada ka socda Gaalada Qaramada Midoobey ee loo yaqaano “Minsuma”.

Qarax kale oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka “Asungo” iyo “Mankaa” ayaa sida Bayaanka lagu sheegay waxay Mujaahidiinta ku bur buriyeen gaari Xamuul ah oo ay lahaayeen Ciidamada Dowladda daba dhilifka ee Maali.

Continue Reading

Previous: Camaliyad Istish-haadiyo Ah Oo Ka Dhacday Waabari.
Next: Akhriso+Faahfaahin Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Camaliyad Istish-haadi Ah Ku Weeraray Saldhigga Degmada Waabari.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-4-1444 Hijri

November 21, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-4-1444 Hijri

November 21, 2022
Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.
  • Allposts
  • Warar

Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.