Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 30 Ka Tirsan Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo Xerada Laanta Buura Lagu Dilay.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 30 Ka Tirsan Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo Xerada Laanta Buura Lagu Dilay.

calamada July 11, 2016 2 min read
97

laanta buura ganiimadii horeIn ka bada 30 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay weeraro xoogleh oo xaley ciidamada Mujaahidiinta Jabhadda WI Sh/hoose ay ku qaadeen saldhig ku yaalla deegaanka Laanta-Buure ee duleedka degmada Afgooye, Iyadoona sidoo kale ay Mujaahidiintu soo ganiimeysteen gaadiid dagaal iyo kuwo nuuca raaxada ah.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ku bilowday qarax xoogan oo ka dhacay bartamaha saldhigga ka dibna ciidamada Mujaahidiinta ayaa ku daatay saldhigga cadowga si ay u dhameystiraan wixii ka bad-baaday qaraxa.

Dagaal kooban ka dib, Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay saldhigga ka dib markii maleeshiyaadkii murtadiinta ee joogay xerada ay noqdeen kuwo ku halaagsamay weerarka iyo kuwo si dirqi ah ku baxsaday intii uu howlgalku socday.

Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyey in wax ka badan 30 ka tirsan murtadiinta lagu dilay weerarkaas, laguna gubay ilaa saddex gaari oo kala duwan. Waxaa suuragal ah in qasaaraha dhimasho ee cadowga uu intaas ka sii bato maadama faafaahinadu ay yihiin kuwo hordhac ah islamarkaana aanan weli la helin tira koobkii ugu dambeeyey.

Gaadiidka ganiimada ah ee ay Mujaahidiintu ku soo furteen dagaalkii xaley lagu qaaday saldhigga Murtadiinta ee Laanta-Buure ayaa gaaraya ilaa 7 gaari, waxaana ay kala yihiin saddex Cabdi-Bile oo nuuca dagaalka ah, Saddex gaari oo kuwa Raaxada ah iyo hal gaari oo Haartoob ah.

Maleeshiyaadkii murtadiinta ee ka bad-baaday weerarka ayaa firxadkooda waxa uu gaaray degmada Afgooye sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ay heshay Idaacada Islaamiga Andalus, Waxaana qaarkood ku jira dhaawacyo halis ah oo si dirqi ah kaga soo bad-baaday weerarka.

Deegaanka Laanta-Buure oo qiyaas ahaantii 40KM dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa dhowrjeer martigeliyey weeraro noocan oo kale oo Mujaahidiintu ay ku beegsadeen Maleeshiyaadka Murtadiinta, Waxaana halkaas ku yaalla saldhig weyn oo murtadiintu ay ka difaacaan xarumahooda muhiimka ah ee Muqdisho iyo Afgooye, sidoo kalena laga soo abaabulo dhibaatooyinka iyo arbushaadda ay murtadiintu ka geystaan deegaanada Sh/hoose.

Bishii Maarso ee sanadkan ayey ahayd markii weerar xoogan oo midkan la mid ah ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga murtadiinta ee Laanta-Buure xilligaas oo cadowga laga dilay ugu yaraan 73 askari, lagana soo ganiimeystay ilaa 9 gaari oo u badnaa gaadiidka dagaalka.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Warka Subax Ee Andalus 06-10-1437 Hijri.
Next: Dhageyso Warka Duhur Ee Andalus 06-10-1437 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.