Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Camaliyadda Istish-haadiyada Ka Dhacday Duleedka Kismaayo.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Camaliyad Istish-haadiyo ah oo lagu weeraray saldhig ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka,Kenya iyo maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo.

Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ka xeynayay ayaa gudaha u galay saldhiga taasi oo sababtay khasaara xoogan oo Nafeet ah iney soo gaarta ciidamadii ku sugnaay saldhigaasi.

Xilliga Camaliyadda Istish-haadiyada ay ka dhaceysa Saldhiga waxaa halkaas ku sugnaay maleeshiyaatka Murtadiinta ee kabo qaadka u ah gaalada soo duushay,iyadoona ciidamada Mareykanka ay xilli hore isaga carareen saldhiga maadaama dagaalkii shalay saldhigaasi ka dhacay baqti iyo dhaawac ay kaga noqdeen askar American ah.

Maleeshiyaatka Murtadiinta ee lagu laayay Camaliyaddan Istish-haadiyada ah ayaa xilliga uu weerarka dhacayay iyaguna waxey isku diyaarinayeen iney u cararaan dhanka magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cabdul Caziiz Abuu Muscab oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Camaliyadaas Istish-haadiyada ah ay ku dileen inka badan Konton askari oo Murtadiin ah islamarkaana ay u dhacday qaabkii loo qorsheeyay.

Naga Filo Shirka Jaraa’id Inshaa Allaah.

Calamada.com

1 Comment
  1. Anonymous says

    Masha allah

Comments are closed.