Inkabadan 60 ruux ayaa geeriyootay, 70 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Al-Xillah ee Koonfurta kaga beegan magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in gaari siday walxaha qarxa in lagu weeraray Bar Kontorool oo Ciidamada Booliisku ay ku lahaayeen halka laga soo galo magaalada Al-Xillah ee Gobolka Baabil, waxaana goobtaas laga maqlay qaraxyo is xiga xiga iyo rasaas goos goos ah.
Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Gobolka Baabil ee Dalka Ciraaq Ninka lagu magacaabo Falaax Al-Raadi ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxyada ay dhaliyeen khasaare nafeed iyo bur bur hantiyeed, isagoona xusay inay sii kordhi karto tirada dadkii ku dhintay qaraxyadaasi, maadaama dhaawacyada qaarkood ay aad u liitaan.
Sarkaal ka tirsan Hoggaanka Taliska howl-gallada wadajirka ah ee Xukuumadda daba dhilifka ee Ciraaq ayaa isna sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari booyad ah oo ay ku rarnaayeen walxaha qarxa, wuxuuna tilmaamay in ruuxa gaarigaas kaxeynayay lagu joojiyay meel barkontorool ah oo Ciidamadu ay fadhiyeen, hase yeeshee uu qaraxu dhacay markii la doonayay in gaarigaas la baaro.