Wararka Itoobiya ka imaanaya ayaa sheegaya in 48 saac gudahood ay ciidanka xukuumadda ay toogasho ku dileen 84 qof oo dhammaantood katirsanaa dadka dhigaya kacdoonka ka dhanka ah xukuumadda Tigreega.
Mas’uul u hadlay xoogaga Mucaaradka dibad jogga ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda ay Xasuuq kula kaceen dad shacab ah oo si nabad gelya ah dibad baxyo u dhigayay.
Sirdoonka Kufriga Xabashida Itoobiya ayaa jaray dhammaan Internetka waxaana aan shaqeynayn shabakadaha bulshadu kuwada xiriirto ee (Social Media),
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 34 Amxaara ah iyo 50 Oromo ah lagu dilay magaalooyin kala duwan oo ay kacdoono ka socdaan.
Xabashida Itoobiya ayaa aamusnaan ku xasuuqaysa dadka wada kacdoonka ka dhanka ah xukunka kaligii taliska Tigreega, warbaahinta ayaa ah mid aan war kasoo tabin Karin gudaha dalka taasi oo keentay in dowladdu ay fursad u hesho qamcinta mucaaradkeeda.
Dhinaca kale war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda “israa’iilâ€Â ama Yahuudda ayaa lagu sheegay in digniin loo diray dadka Yahuudda ah ee ku nool gudaha Itoobiya.
“Muwaadin Yahuudda ah ee Itoobiya ku sugan waxaan uga digaynaa in ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen magaalooyinka dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Itoobiya waa in aysan u dhawaan goobaha dibad baxyadu ka socdaanâ€ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Sahyuuniyada Yahuudda.
‘Israa’iil’ ayaa walaac ka muujisay ammaanka muwaadiniinteeda Itoobiya iyadoona shaqaalaha safaaradeeda ku amartay in ay talooyin siiyaan muwaadiniinta oo ah in wax kabadan 10 Km aysan safrin.
Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa isbuusii lasoo dhaafay soo saaray digniino la xiriira in muwaadiniinta reer galbeedka ay u dhowaan goobaha dagaalladu ka socdaan.