Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah iyo Jamaacada Jundul Aqsaa oo is garabsanaya ayaa qabsaday laba deegaan oo istaraatiiji ah oo kuyaalla Gobolka Xalab ee Waqooyiga dalka Suuriya, waxaana weerarkani uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay qaadaan tan iyo intii ay dhaqan gashay xabad joojintii laga hirgeliyay dalkaasi.
Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Jabhatu Nusrah ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Mujaahidiintu ay qabsadeen tuulada Al-Ceys ee dhacda baadiyaha Koonfureed ee Gobolka Xalab iyo deegaanno kale oo hoos yimaada, kadib dagaallo qaraar oo saacadihii lasoo dhaafay halkaasi ka dhacayay.
Mujaahidiintu waxay sidoo kale sheegeen in Ciidamo badan oo ka tirsan Nidaamka Nuseyriga ah inay ku dileen dagaalkii culsaa ee shalay ay kula wareegaan deegaanno hoos yimaada Gobolka Xalab, waxaana khasaaraha Nafeed ee Ciidamadaas soo gaaray lagu sheegay inuu ka badanyahay tobonaan Askari, iyadoona Mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen hub iyo gawaari dagaal.
Dhanka kalena 12 ruux oo Shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay ka geysteen degmada Abuu Duhuur ee Gobolka Idlib ee Waqooyiga dalka Suuriya. Diyaaradaha dagaalku waxay duqeeyeen Suuq lagu iibiyo Shidaalka oo deegaankaasi kuyaalla.
Sidoo kale, tiro dad ah ayaa ku nafwaayay duqeymo ka dhacay tuulooyin hoostaga Baadiyaha bari ee Gobolka Ximis. Gobolka Deyru Zuur-na duqeyn ka dhacday waxaa ku dhintay gabar yar, dhowr ruux oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray.
Diyaaradaha Dagaalka ee Nidaamka Nuseyriga ah ee Dalka Suuriya iyo kuwa Dowladda Ruushka ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan dhulka ay ka taliyaan kooxaha Kacdoon wadayaasha, xilli horey loogu heshiisay in duqeymaha laga joojin doono dhulka ay maamulaan Kooxihii qalinka ku duugay heshiiskii xabad joojinta ahaa ee reer galbeedku ay soo qaban qaabiyeen.