Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxey sheegayaan iney sii xoogeysteen kacdoonka ka dhanka ah maamulka Tigreega ee ka socda gudaha dalkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee kacdoonka ayaa sheegaya in 24 isugu jirta saraakiil iyo askar oo ka goostay maamulka Tigreega Nasaarada Itoobiya isku dhiibeen xoogaga kacdoonka ee ku sugan magaalada Gondar ee dhanka Waqooy Galbeed dalka Itoobiya.
Sidoo kale kooxaha kacdoon wadayaasha Itoobiya ayaa dab qabadsiiyay guryo ku yaala magaalada Gambiila oo dhacda dhanka Galbeed ee dalka Itoobiya’waxeyna xoogaga kacdoonka sheegeen in guryahaasi ay leeyihiin saraakiil ka tirsan maamulka sii dhacaya ee Tigreega Itoobiya.
Gobalada Dalka Itoobiya waxaa ka socda kacdoon dhiig fara badan ku daatay oo ka dhan ah maamulka Tigreega’iyadoona kacdoonka uu burburiyay inta badan ilihii dhaqaalaha dalkaasi.
Calamada.com