Kaligii Duul Falistiini Mujaahid Ah Oo Dilay Qof Yahuud Ah.

Wararka imaanaya dhulka Falasdiin ee gumeysiga kujira ayaa sheegaya in weerar middi loo adeegsaday lagu dilay qof Yahuudi ah.

Wiil Falasdiini ah oo ku hubeysnaa Tooreey ayaa weear ku qaaday goob ay ku sugnaayeen dad Yahuud ah wuxuuna ku guuleystay in uu dilo hal qof.

Afhayeen u hadlay booliska Yahuudda ayaa warbaahinta u sheegay in Ninkii weerarka fuliyay uu goobta isaga baxsaday daqiiqo kadib markii uu dilay qofka Yahuudiga ah.

Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Ara’iil oo dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Naabulis oo katirsan deegaannada loo yaqaan Daanta Galbeed halkaas oo dadka Yahuudda ah xoog lagu dajiyay.

Weerarkan ayaa imaanaya Maamulka Yahuudda uu sare uqaaday dhismayaasha deegaameysiga sharci darrada ah isagoo guryahooda ka barakiciyay kumanaan qoys muslimiin Filasdiiniyiin ah.

Comments are closed.