Iyadoo saaka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin dagaal kula wareegay deegaanka Daynuunaay ee duleedka Baydhabo ayaa sidoo kale waxa uu weerar dhabba gal ah ka dhacay duleedka degmada Baydhabo.
Kamiinka ayaa loo dhigay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada oo kasoo baxay Baydhabo kuwaasi oo doonayay iney u gurmadaan maleeshiyaatka dowlada ee saaka lagu weeraray deegaanka Daynuunaay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa baahisay in kamiinka lagu gubay gaari nooca xamuulka ah oo ay la socdeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada taasi oo sababtay in tiro askar ah dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdaan kamiinkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in sidoo kale kamiinkaasi ciidamada Mujaahidiinta ay ku qabsadeen 7 qori oo ay wateen maleeshiyaatka dowlada ee kamiinka loogu dhigay duleedka degmadaasi.
Weerarkan dhabba galka ah ayaa imaanaya xilli saaka aroortii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay dagaal kula wareegeen deegaanka Daynuunaay ee duleedka degmada Baydhabo.
Calamada.com
Allahu akbar
Mujaahideenta somaliya allah hakuuleeyo
Iyo dhamaan mujaahideenta caalamka