Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay duleedka deegaanka Shalambood oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada hoose.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi kamiinka ah lagu dilay hal askari’iyadoona tiro kale lagu dhaawacay kamiinka kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.
Kamiinkan ayaa kusoo aadaya xilli maalintii shalay qaraxyo ka kala dhacay degmooyinka Marka iyo Qoryooley dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Calamada.com