Aroornimadii hore ee saaka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey gudaha magaaalada Muqdisho weerar dhabba gal ah ugu dhigeen gaari ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka Masjidka Oorfane xaafada Soos ee degmada Hilwaa’iyadoona kamiinka loo dhigay gaari ay la socdeen maleeshiyaatka Ridada gaar ahaan kuwa howlgala saldhiga degmada Hurwaa ee magaaalada Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kamiinka lagu dilay afar askari oo ka tirsan dowlada Ridada’iyadoona hal askari uu si dirqi ah ku badbaaday taasi oo muujinaysa in gaariga kamiinka loo dhigay ay la socdeen shan askari oo dowlada Ridada federaalka ah.
Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray gaarigii ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada federaalka ee lagu laayay weerarka dhabba galka ah’iyadoona kamiinkan uu kusoo aadaya xilli bilowgii bishan barakeysan ee Ramadaan kamiin ka dhacay isgoyska Suuqa Xoolaha lagu dilay 6 askari oo ka tirsanaay maleeshiyaatka Nabadsugida dowlada Ridada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.
اللهم اهلك Ø§Ù„ÙƒÙØ±Ø© والمرتدين
allahu akbar gcnta islanmka ayay ku halaagsamen murtadiin andalus alle ha idiin daayo