Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • KENYA: Nin Baadari Ahaa Oo Muslimay Kaniisaddiisina Ka Dhigay Masjid Muslimiintu Leeyihiin.
  • Allposts
  • Warar

KENYA: Nin Baadari Ahaa Oo Muslimay Kaniisaddiisina Ka Dhigay Masjid Muslimiintu Leeyihiin.

October 23, 2017

Baadari Kenyaan ah ayaa muslimay kana dhigay Kaniisaddiisa Masjid isaga oo sheegay inuu qaadan waayay sida haweenku ugu soo labistaan Kaniisadda.

“Kaniisadayda waxaa la dhihi jiray Nyalgosi God’s Call Church of East Africa, hayeeshe hadda waxaa lagu magacaabaa Nyalgosi Jamia Masjid,” sidaas waxaa yiri Baadari hore  Charles Okwany oo hadda la baxay magaca Ismaaciil  wuxuuna sidaas  u sheegay Wargeyska The Nairobian.

“Intii aan ku jiray shaqadayda baadarinimada, waxaan ku socdaalay Malindi, Mombasa, Nairobi iyo Tanzania si aan Bible-ka ugu yeero dadka,
Waxaan sidoo kale ka faa’iideystay fursadda ah barashada sinnaanta akhlaaqda shacbi ee diimaha Kiristanka iyo Islaamka, waxaana aan ogaaday in Islaamku uu yahay diinta ugu fiican ee Alle loogu dhawaado” ayuu yiri Ismaaciil oo horay u ahaa Baadari balse hadda ah muslim.

 

Ninkan soo hanuunay ayaa si qota dheer uga sheekeeyay xumaanta gaalnimada iyo sida qalbigiisu u xasilay markii uu soo galay diinta islaamka wuxuuna si farxadi ku jirto dadka ehelkiisa ah ugu baaqayaa in ay soo galaan diinta waasaca ah ee islaamka kana baxaan ciriiriga gaalnimada.

 

“Farriimaha bible-ku ma ahan mid dhiirri-gelinaya labisashada habboon. Waana nasiib darro in haweenka qaar ay goonno aad u gaaban oo cawradooda muujinaysa usoo qaataan Kaniisadaha,” ayuu sii raaciyay mar uu ka hadlayay xumaantii uu kusoo arkay gaalnimada.

 
Okwany wuxuu safarkiisa barashada Islaamka ka bilaabay booqasho uu ku sameeyey hoggaanka Muslimiinta magaalada Kisii kaas oo u sharraxay diinta islaamka . Waxaana kadib la baray culumada Ragwe Imam iyo Mustafa Saoke.

 

Bishii September , Okwany wuxuu qaatay Islaamka waxaana la islaamay 23 kamid ah xubnaha kaniisaddii uu ka shaqeyn jiray arrinkaas oo murugo ku ah kaniisadaha kuyaal wadanka Kenya, Okwany iyo walaalihiisa muslimiinta ah ee soo hanuunay hadda waxay ku mashquulsanyihiin barashada diinta islaamka shakina kuma jiro in ay isku bedeli doonaan ducaad diinta soo geliya kumanaan qof oo markii hore Kaniisadda kusoo booqan jiray.

 
Hadda, masjidku wuxuu leeyahay jamaaco ku dhow 63 qofood kadib markii 30-meeyo kale ay iska soo diiwaan-geliyeen degmada Kagan,
Hadda Okwany wuxuu doonayaa in uu in badan kororsado cilmiga diintiisa, wuxuuna ka qoomameynayaa sanadadii uu mugdiga gaalnimada kujiray.
Kenya kuma cusba in dad Baadariyaal ah ay soo islaamaan balse waxaa ku cusub iyo Kaniisad iyo dadkii joogay inta diinta diinta islaamka galaan ay isla Kaniisaddii ubedelaan Masjid.
Jamciyaadka islaamiga ah iyo jaaliyadaha muslimiinta Bariga Afrika waxaa lagudboon in Masjidka cusub ee Okwany ee horay kaniisadda u ahaa ay dhisaan ayna ku daraan Machad iyo dugsi qur’aanka lagu barto si dadka kale ee wali Kirishtaanka ah loogu dhiiri geliyo in ay soo islaamaan oo ay kasoo baxaan mugdiga.

 

Okywany  ayaa ugu dambeyn  dadka ugu yeeray in Islaamka aan lagu koobin ama loo arag mid ay leeyiihiin Soomaalida iyo Carabta  “Waa diin caalami ah oo dunida oo dhan ka dhaxaysa ma ahan diin xuduud iyo qowmiyad ku xiran,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ismaaciil.

 

Inkasta oo dowladda Kenya ay adeegsatay asaaliib ay ku caburinayso dadka muslimiinta ah sida iyadoo dhistay hay’ado Asha-haadda ladirir ah hadane islaamka ayaa si xowlli ah ugusii faafaya gobollada iyo magaalooyinka kala duwan ee wadanka Kenya, mashruuca loogu magac daray Linda Nchi ee melleteriga Kenya marmarsiimo uga dhigteen  duullaanka soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu wiiqo muslimiinta balse arrinkaasi maguuleysan.

 

Ciidamada ashahaadda ladirirka Kenya ee loo yaqaan ATPU iyo GSU ayaa muslimiinta gudaha dhibaatada daran ku haayo waxayna dilal qorsoodi ah ku fuliyaan wadaadada muslimiinta iyagoona sababay in boqolaal muslimiin ah dibadaha ucararaan si ay uga badbaadaan dhibaatada ay geysanayaan ciidamadaas ashahaadda ladirirka ah.

Xuquuqda Warbixinta Waa Somalimemo.net

Calamada.com

Continue Reading

Previous: Weerar Xoog Ku Gal Ah Oo Lagu Qaaday Xero Ciidan Oo Ku Taala Dalka Yemen.
Next: Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Dalka Niger.

Related Stories

Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.

November 21, 2022
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -28-4-1444-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -28-4-1444-Hijri.

November 21, 2022
Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.