Kenya Oo Gaadiid Dagaal looga Gubay Jubbada Hoose.

Qarax miino4545Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Kenya oo dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaan ku dhawaad 20km u jira degmada Afmadow ee gobalka Jubbada hoose.

Kamiinka waxa uu markii dambe isku badalay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmada Afmadow iyo deegaano badan oo hoostaga.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalkaasi askarta Kenya looga gubay labo gaari noocyada Gaashaaman ah’sidoo kale waxaa dagaalka lagu dilay 9 askari oo Kenyaati ah.

Goobta dagaalka uu ka dhacay waxaa soo caga dhigtay labo diyaarad oo nooca Elecobtarka ah kuwaasi oo daabulay dhaawacyada iyo baqtiyada askarta Kenya.

Calamada.com

Comments are closed.