Khasaara Ka Dhashay Iska Hor’imaad Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Xaafada Kaabo Godeey ee degmada Wadajir waxaa ka dhacay iska hor’imaad dhexmaray maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada.

Iska hor’imaadka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaatka Dowlada ay ku murmeen dhul halkaasi ku yaala waxa uu muranka ugu dambeyntii sababay iney halkaasi ku dagaalamaan,waxeyna maleeshiyaatka dowlada iska hor’imaadkaasi isku adeegsadeen hub kala duwan.

Inta la xaqiijiyay maleeshiyaatka dowlada Ridada waxey iska hor’imaadkan isaga dileen hal askari mid kalane weey isaga dhaawaceen,dhanka dadka shacabkana waxaa dhaawacmay Labo ruux oo rasaasta guryahooda ugu tagtay.

Inta badan maleeshiyaatka maamulka Farmaajo ayaa Shaqo Maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan iskana dilaan askar iyo saraakiil fara badan.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.