Khasaaraha Mareykanka Ka Soo Gaartay Weerarkii Bagaram Oo Sii Korortay.

American Afghanistanm555Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal istish-haadi ah oo khasaare ba’an uu kasoo gaaray Ciidamada Gaalada Nato, kaas oo maalintii shalay lagu qaaday Saldhigga Ciidamada Cirka ee Bagaram ee kuyaalla meel kudhow magaalada Kaabuul ee Caasimadda dalka Afghanistan.’

Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa Bayaan ay soo saartay waxay ku faah faahsiay howl-galkaasi, iyadoona sheegtay in Mid ka mid ah dagaal yahannada Guutada Istish-haadiyiinta ee Mujaahidiinta in waabarigii hore ee maalintii shalay ee Sabtidii uu weeerar qorsheysan ka fuliyay Saldhigga Ciidamada Cirka Mareykanka ay ku leeyihiin Gobolka Bagaram ee dalka Afghanistan.

Bayaanka kasoo baxay Daalibaan ayaa waxay ku sheegeen in howl-galka Istish-haadiga ah uu fuliyay walaal Mujaahid ah oo lagu magacaabo Xaafid Muxamed Barwaani, kaas oo goor sii horreysay ay usuurta gashay in waxaayabaha qarxa uu u dusiyo gudaha Xerada.

Howl-galku waxa uu gaar ah kaga dhacay hool ay Ciidamadu ku tababartaan oo kuyaalla  gudaha Saldhigga Bagaram, iyadoona macluumaadka hoose ee la helayo ay sheegayaan in weerarkaas uu sababay dhimashada 23 Askar iyo Saraakiil Mareykan ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Daalibaan.

Muddo Afar bilood ka hor ayay Mujaahidiintu sii qorsheeyeen howl-galkan istish-haadiga ah, hase yeeshee waabarigii maalintii Sabtida ee shalay ayaa Askariga ka tirsanaa Mujaahidiinta Daalibaan wuxuu ku guuleytay inuu howl-galkiisa fuliyo, isagoona bartamaha ka galay tobonaan isugu jira Askar iyo Saraakiil Mareykan ah..

Ciidamada Shisheeye ee NATO ayaa sida caadada u ah waxay qariyeen xaqiiqda dhabta ah ee wixii goobta ka dhacay, waxay sidoo kale qariyeen khasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi, waxaana Bayaan ay soo saareen ay ku sheegeen in “Afar qofood ay ku dhinteen qarax ka dhacay gudaha Saldhigga Bagaram”, iyagoo aan faah faahin cidda ay u dhasheen Afarta ruux iyo howsha ay Xerada ka hayeen.

Mujaahidiinta Daalibaan ayaa tan iyo horraantii sanadkan waxay sii dar dargeliyeen howl-gallada jihaadiga ah ee ay ka wadaan guud ahaan dalka Afghanistan, waxaana ay ku dhawaaqeen xamlo ay ugu magac dareen Al-Cumariya, taas oo khasaare lixaad leh uu kasoo gaaray Ciidamada gaalada Nato iyo Maleeshiyaadka Xukuumadda daba dhilifka ah ee Kaabuul.

 

Comments are closed.