Ku Dhawaad 10 Askar Kenyaati Ah Oo Lagu Dilay Jubbada Hoose.

Ciidamada mujaahidiinta WI Jubooyinka ayaa maanta barqadii weerar dhabo-gal ah udhigay kolonyo gaadiid ay wateen ciidamada gaalada Kenya ee fariisinka ku leh deegaanka Howsingow.

Ciidamada Kenya ee dhabaha loogalay ayaa sahay kasoo qaadanayay ciidamo kale oo gudaha Kenya ka yimid qorshahana uu ahaa in dhexda la isaga hor yimaado si sahayda la isaga kala qaato socodkooduna ku yaraado maadaa ay cabsi badan ka qabaan ciidamada mujaahidiinta.

Sarkaal katirsan ciidamada mujaahidinta ayaa idaacadda andalus u xaqiijiyay in weerarka dhabogalka ah uu dhacay inta aysan labada ciidan isaga soo gaarin, weerarkana wuxuu ku bilowday qarax miino oo lala helay mid kamid ah gaadiidka gaashaman ee askarta Kenya.

Inta la ogyahay 7 askari oo askarta Kenya ah ayaa lagu dilay weerarkaasi dhabogalka ah waxaa sidoo kale la dilay ilaa 5 askari oo kamid ahaa maleeshiyaadka murtadiinta ee cadowga kasoo raacay deegaanka Howsingow.

Saraakiisha mujaahidiinta ayaa intaasi raaciyay in dhaawaca uu gaarayo ilaa 4 askari oo Kenyaan ah.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.