Iyadoo saqdii dhexe ee xalay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus ku qaadeen saldhigyada iyo fariisimaha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Dagaalkan xalay ka dhacay degmada Afgooye waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Qaar ka mid ah dadka shacabka ee ku dhaqan degmada Afgooye oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen xaafada Buulo Fooliya ilaa suuqa lagu iibiyo Xoolaha nool ee degmadaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Taliska ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay in dagaalkii xalay ka dhacay degmada Afgooye lagu dilay 9 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka afar kale oo isla maleeshiyaatka dowlada federaalka ahna lagu dhaawacay dagaalkaasi.
Calamada.com
alxm allahu akabar