Ku Dhawaad 100 Askari Oo Dowlada Ruushka Kaga Dhimatay Shil Diyaaradeed.

diyaarada-ruushkaDiyaarad ay leedahay dowlada Kaafirada Ruushka ayaa la waayay kadb markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Souchi ee dalka Ruushka.

Diyaarada ayaa la xaqiijiyay in xilligii ay ka duuleysay garoonka ay siday 83 askari oo ruush ah’waxaa kale oo diyaarada saarnaay sideed ruux oo ah shaqaalaha diyaaradaasi.

Diyaaradn khadka ka baxday ee waday askarta Ruushka ayaa ku sii jeeday dhanka gobalka Laathiqiyah ee dalka Suuriya’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan diyaradaasi.

Saraakiil u hadashay dowlada Ruushka ayaa sheegay in la xaqiijiyay burburka diyaarada iyo in gabi ahaan ay dhinteen askartii iyo shaqaalihii lasocday diyaarada taasi oo saraakiisha ay sheegeen iney ku burburtay badda madow.

Calamada.com

Comments are closed.