Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin tiro madaafiic ah ku garaaceen mid ka mid ah deegaanada difaacyada ay ka sameysteen ciidamada Kufaarta AMISOM.
Deegaanka sida gaarka ah madaafiicda loogu garaacay ayaa ah deegaanka Danow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose’iyadoona dhawaaqa madaafiicda si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalkaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa baahisay in duqeyntaasi inta la xaqiijiyay lagu dilay 6 askari oo Kufaarta AMISOM ka tirsan’waxaana sidoo kale lagu dhaawacay 8 askari oo shisheeyaha Afrikaanta ah.
Dhanka kale dagaal ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ku dhexmaray duleedka degmada Buurhakabo ee gobalka Baay ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada’waxaana lagu dhaawacay 3 askari oo isla maleeshiyaatka dowlada ah.
Dagaalka ka dhacay duleedka Buurhakabo ayaa yimid kadib markii maleeshiyaatka dowlada oo kasoo baxay degmada Buurhakaba ay isku dayeen iney dhac ka geystaan mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.
Calamada.com