Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dilal qorsheysan iyo weeraro loo adeegsaday bam gacmeed ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobalkaasi.
Dilka qorsheysan ayaa loo geystay askari ka tirsanaay maleeshiyaatka dowlada gaar ahaan kuwa sida xooga ah lacagaha baada kaga qaada dadka iyo gaadiidka’iyadoona la xaqiijiyay in ragii dilka geystay si nabad ah goobta kaga baxsadeen.
Sidoo kale weerar bam ayaa lagu tuura maleeshiyaat ka tirsan kuwa dowlada oo ku qayilayay goob kasoo horjeeda halka laga raaca gaadiidka aada degmada Tooratoorow ee ka baxa degmada Afgooye.
Goob-joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta iney arkeen dhimashada saddex askari iyo dhaawaca hal askari oo ka tirsan kuwa dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo ay haleeshay bamka lagu tuuray.
Dhanka kale Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay in dagaalkii habeen hore ka dhacay Shanta Tiir ee degmada Lafoole lagu dilay 2 askari laguna dhaawacay shan askari oo ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ee isbaarada dhigtay Shanta_tiir ee Degmada Lafoole.
Calamada.com