Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in saaka aroortii diyaaradaha Nuseyriga Bishaar Asad duqeyman xoogan markale ka geysteen magaalada Xalab oo ka mid ah goobaha dagaalada ugu culus ka socdaan gudaha dalka Suuriya.
Diyaaradaha Nuseysiga Bishaar Asad ayaa baraamiil ku garaacay xaafado ku yaala Bariga Xalab’iyadoona duqeymankaasi ay sababeen khasaara kala duwan.
Inta la xaqiijiyay duqeyntaasi waxaa ku dhintay 46 ruux’waxaa ku dhaawacmay inka badan 230 ruux oo u badan haween iyo caruur oo badankooda dhaawacyadooda culusyihiin.
Diyaaradaha Nuseyriga Bishaar iyo kuwa dowlada Kaafirada Ruushka ayaa duqeyman arxan daro ah ku garaaca magaalada Xalab’waxeyna duqeymahaasi dhulka la simeen guud ahaan Isbitaaladii ku yaalay magaaladaasi.
Calamada.com