Ku Dhawaad 50 Ruux Oo Ku Dhimatay Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Xalab Ee Waqooyiga Suuriya.

xalab duqeynWaxaa sare usii kacay tirada dadka rayidka ah ee ku nafwaayay duqeymo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Nidaamka Bashaar Al-Asad ay ka geysteen magaalada Xalab iyo deegaannada ku dhow dhow.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in duqeymahaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 45 ruux, iyadoona 13 ka mid ah dadkaasna ay yihiin Shaqaale ka tirsanaa Ururka Bisha Cas kadib markii gawaari ay la socdeen oo siday Shixnad gar gaar ah ay diyaaradaha dagaalka ku duqeeyeen galbeedka magaalada Xalab.

Wariye ku sugan magaalada ayaa waxa uu sheegayaa inay suura gal tahay inay kororto tirada dadka ku dhintay duqeymihii cuslaa ee dhacy saacadihii lasoo dhaafay, iyadoona Kooxaha gurmadka deg degga ah ay sheegeen in qoysas dhan ay ku hoos jiraan dhimayaasha bur buray hoostooda, waxaana aad u adag in gurmad loo sameeyo maaadaama ay weli hawada ku jiraan diyaaradaha dagaalka, islamarkaana laga cabsi qabo inay dhacaan duqeymo kale oo hor leh.

Duqeymaha ku socda Xalab ayaa waxaa loo adeegsanayaa diyaaradaha dagaalka, kuwa Helicopters-ka ee qumaatiga u kaca iyo Madaafiicda Altalariga, waxaana duqeymaha badankood lagu qaaday Xaafadaha Al-Meysar iyo Al-Qaadharji ee bariga magaalada Xalab.

Duqeymahani waxay kusoo beegmayaan xilli ay fashilantay xabad joojintii todobaad ka hor looga dhawaaqay dalka Suuriya, iyadoona Nidaamka Bashaar Al-Asad iyo Kooxaha Mucaaradka uu midba mid kale ku eedeeyay in dhankiisa uu jebiyay Xabad joojinta.

Sidoo kale waxay duqeymahani wuxuushnimada ah imaanayaan maalin kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Isbaheysiga Saliibiga ah ay duqeyn khasaare lixaad leh dhalisay Ciidamada Bashaar Al-Asad ugu geysteen Gobolka Deyru Zuur ee bariga dalka Suuriya, iyadoona duqeyntaasi ay ku dhinteen inkabadan Lixdan Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Nidaamka Nuseyriga.

Comments are closed.